Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Virgil van Dijk uu yahay kabtanka cusub ee kooxda kadib bixitaankii Jordan Henderson.
Henderson ayaa xirtay calaamada muddo sideed sano ah, isagoo Reds ku hogaamiyay hanashada horyaalkoodii ugu horeysay ee Premier League iyo sidoo kale hanashada Champions League.
Dad badan ayaa filayay in Van Dijk noqdo kabtanka cusub ee kooxda waxana la xaqiijiyay in uu noqday kabtanka cusub ee kooxda.
Sidoo kale waxa la xaqiijiyay in uu Trent Alexander-Arnold noqon doono kabtan ku xigeenka kooxda isaga oo booska ka badalay James Milner.
“Runtii waxay ii tahay maalin sharaf badan aniga, xaaskeyga, caruurtayda, qoyskayga,” Van Dijk ayaa u sheegay Liverpoolfc.com.
“Waxay ahayd dareen gaar ah oo aanan si dhab ah u qeexi karin xilligan. Laakiin waa wax aan runtii, runtii ku faano”.
Related