Kooxda Liverpool ayaa qaaday Tallaaabo Muujinaysa in xiddiga Fabinho ka tagayo kooxda Inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Fabinho ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Al-Ittihad kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ayaa diyaarinaysa dalab 40 milyan oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil.
Liverpool ayaa xiddiga Fabinho ka reebtay Liiska xiddigaha u safri doona Germany kulamadooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Taas ayaa la macno ah in Fabinho ku dhawyahay in uu ka tago kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Sii Akhriso: Somaliland Oo Ka Jawaabtay Warkii Ay Ha’yadda Caafimaadka Adduunku Ka Soo Saartay Lasacaanood.
Related