Liverpool ayaa loogu baaqay inay la soo wareegto laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah si ay u bedelaan Jordan Henderson iyo Fabinho.
Daaficii hore ee Reds Jose Enrique ayaa u sheegay kooxdisii hore xiddigaha Ryan Gravenberch iyo Romeo Lavia si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.
Kooxda Liverpool ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddigaha Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai.
Liverpool horay u fasaxday xiddigaha khadka dhexe ee James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Naby Keita kuwaas oo uu dhacay heshiisyadoodu.
Si kasta ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa luminaysa xiddigaha Henderson & Fabinho kuwaas oo ku dhaw in ay ku biiraan horyaalka sucuudiga.
Enrique ayaan ku faraxsanayn in ay kooxdiisu fasaxdo Henderson iyo Fabinho waxana uu u sheegay Klopp in uu u dhaqaaqo laba xiddig oo buuxin kara booska labada xiddig ee baxaya.
“Waan jeclahay Romeo Lavia, waxay ku xidhnaan doontaa qiimaha laakiin waan jecelahay waa xiddig ku soo baxaya Liverpool, waa xiddig 19 jir ah waxana uu leeyahay khibarad fiican”.
“Sidoo kale Ryan Gravenberch waa dokh fiican, waa xiddig khibrad leh hadii ay Liverpool u baahantahay in ay buuxiso booska Fabinho Iyo Henderson waa in ay keenaan Romeo Lavia & Ryan Gravenberch”.

Related



Source link