Goolhayihii hore ee England David James ayaa aaminsan in Liverpool ay ahayd inay lasoo saxiixato xiddiga ka tagaya Chelsea ee Mateo Kovacic ka hor Manchester City.
Kovacic ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Man City laakiin James ayaa aaminsan in uu ku soo bixi lahaa Liverpool.
Tan iyo markii uu ku soo biiray Chelsea 2018, Kovacic ayaa in ka badan 200 kulan u saftay Blues, waxaana uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Champions League iyo Europa League.
“Qofka u ciyaara sida Mateo Kovacic, waxaan u maleyn lahaa inuu ku haboon yahay Liverpool marka loo eego Manchester City,” James ayaa u sheegay King Casino Bonus.
“Waan teegeeri jiray xiddiga muddo sanado ah, sida uu kubada u qaato una dhaafo boosaska kal duwan waxa uu u ciyaaraa qaab mucjiso leh”.
“Orodkiisu waxa uu ku fiican yahay sida ay u Ciyaarto Liverpool tan ilaa markii uu Klopp yimid sidaas darteed Kovacic ayaa ku fiicnaa Liverpool”.

Related



Source link