Ciyaaryahan Liverpool ah ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer England, sida ay sheegayaan wararka.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Athletic, Kostas Tsimikas ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Liverpool.
Sida la filayay heshiiska xiddiga reer Greece ee Liverpool ayaa dhacaya sanadka 2025.
Athletic ayaa sharaxday in Tsimikas qandaraaskiisa cusub uu ku sii hayn doono Anfield ilaa 2027.
Isla wargayska ayaa tilmaamaya in uu Klopp aad u doonayo in uu xiddiga 27 jirka ah ku sii haysto kooxdiisa maadama uu u arko xiddig muhiim u ah kooxdiisa.
Tsimikas ayaa Liverpool kaga soo biiray Olympiacos sanadkii 2020 waxana uu kooxda u ciyaaray 62 kulan tartamada oo dhan.

Related



Source link