Liverpool ayaa dib u soo cusbooneysiisay wadahadaladii ay kula soo saxiixan lahayd Dominik Szoboszlai  ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Leipzig.
The Athletic ayaa sheegtay in heshiiska oo u muuqday mid adag ka dib kulan horaantii isbuucaan in haatan uu is badal ku yimid
Warbixinta ayaa muujineysa in Liverpool ay kalsooni ka heshay suurtagalnimada inay heshiis la gasho Dominik Szoboszlai  oo ay heshiis la gaarto Leipzig.
Wargayska ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo u socda labada kooxood ee ku saabsan in Fabio Carvalho amaah hal xilli ciyaareed ah loogu diro kooxda reer Jarmal
Ciyaaryahanka khadka dhexe weerarka ayaa hishiiskiisa Leipzig lagu burburin karaa 70 milyan oo Yuuro, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan heshiiska lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Liverpool ayaa u weecatay heshiiska Suboslay ka dib wada xaajoodkii ay kula soo saxiixan lahayd Mason Mount ee Chelsea, kaasoo ku soo wajahan Manchester United.
Laacibka reer Hungary ayaa 48 kulan la ciyaaray Leipzig xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo u dhaliyay 10 gool.

Related



Source link