Kooxda Liverpool ayaa ka jawaabtay kooxda Al-Ittihad ee doonaya saxiixa xiddiga Mohamed Salah.
Al-Ittihad ayaa doonaysa in ay Salah ka dhigto xiddigii ugu dambeeyay yimaada horyaalka sucuudiga.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa diyaar u ah in ay Liverpool miiska u saarto Lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Sidoo kale Al-Ittihad ayaa diyaar u ah in ay Salah ka dhigto xiddigaha ugu mushaharka badan adduunka iyo waliba horyaalka sucuudiga.
Laakiin sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Liverpool ayaan wax xiiso ah u qabin in ay iibiso xiddiga reer masar.
Liverpool ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu iib ahayn suuqa xagaagan wax walba oo dhaca

Related



Source link