Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab uga yimid RB Leipzig oo ku aadan Fabio Carvalho.
Reds ayaa xagaagii la soo saxiixatay xiddiga Fabio Carvalho waxana uu ku bilowday si fiican xirfadiisa ciyaareed isaga oo dhaliyay goolal kulamadii ugu horeeyay.
Sidoo kale Fabio Carvalho ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulaha Liverpool laakiin waxa uu boos ka waayay kooxda Klopp kadib koobkii adduunka.
Waxa jira warar sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaagan.
Dhinaca kale Liverpool ayaa diyaar u ah in ay fasaxdo xiddiga laakiin waxa ay diidantahay in ay si toos ah u iibiso taas oo keentay in ay diido dalabka kooxda RB Leipzig.
Reds ayaa kaliya donaysa in ay qaab amaah ah ku fasaxdo xiddiga maadama uu Klopp u arko xiddig mustaqbal ku leh kooxdaa sanadaha soo socda.
Related