Kooxda Liverpool ayaa xiddiga ahna kabtankooda Jordan Henderson u ogolaatay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Al-Ettifaq si uu u dhamaystiro heshiiska.
Jordan Henderson ayaa heshiiska shaqsiga ah la gadhay kooxda uu hogaamiyo Steven Gerard waxana dhimanayd in ay labada kooxood ka heshiis ka gaadhaan saxiixa xiddiga.
Waxa ay u muuqataa in ay labada kooxood isku af garteen qiimaha xiddiga reer England ee Jordan Henderson iyada oo kooxdu u ogolaatay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxdiisa cusub.
Jordan Henderson ayaa saacadaha soo socda u duuli doona sucuudiga si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub si uu u dhamaystiro heshiiska xiddiga.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya
Related