Ka dib markii Roberto Firmino uu Liverpool kaga soo biiray TSG 1899 Hoffenheim sanadkii 2015, kooxda Liverpool ayaa heshiiskiisa ku xidhay Shardi ka soo hor jeeda kooxda Arsenal.
Xafiiltanka ka dhexeeya Arsenal iyo Liverpool ayaa si fiican loo ogyahay iyada oo 10-kii sano ee la soo dhaafay ay Gunners mar dalab 40 milyan oo euro iyo hal Gini ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Luis Suarez sanadkii 2013.
Gunners ayaa doonaysay in ay bixiso lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska Suarez bilowgii sanadkii 2010 iyada oo Suarez ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican premier League laakiin dalabkaas ayay Liverpool diiday.
Markii ay Liverpool la soo saxiixatay Roberto Firmino waxana ay heshiiskiisa ku xidhay lacag lagu bur-burin karo oo dhan 83 milyan oo euro.
Laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in ay lacagtaas bixin karaan dhamaan kooxaha adduunka marka laga reebo kooxda Arsenal.
Kadib 7 sano oo uu ku qaatay Anfield, Firmino ayaa xagaagii isaga tagay kooxda Liverpool waxana uu qaab xor ah ugu biiray kooxda Al-Ahli.
Related