Liverpool ayaa halis ugu jirta in ay lumiso Goolhaye Alisson kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Al-Nassr.
Kooxda ka ciyaarta sucuudiga ayaa xiddigo waaweyn ku dartay Kooxdeeda xagagaan waxana ugu dambeeyay xiddigii hore ee Liverpool ee Sadio Mane.
Haatan waxa ay bartilmaameedsanayaan Goolhayaha Liverpool ee Alisson inkasta oo ayna wali wax dalab ah miiska u saarin Liverpool sida laga soo xigtay The Mirror.
Liverpool ayaa u sheegtay in uuna Alisson iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laakiin Al-Nassr ayaa aad ugu kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa Goolhayaha iyaga oo u soo bandhigaya lacag aad u badan.
Related