Liverpool ayaa looga digay in Alexis Mac Allister uusan ahayn ciyaaryahankii khadka dhexe ee ay aheyd inay la soo wareegaan.
Weeraryahankii hore ee Tottenham Darren Bent ayaa sheegay in xiddiga Argentina uusan ahayn waxa uu Jurgen Klopp uga baahnaa khadka dhexe.
Khadka dhexe ayaa ahaa meesha ugu muhiimsan ee ay Liverpool doonayso in ay iska xoojiso suuqa xagaaga kadib markii ay si weyn ugu dhibaatoondeen booskaas xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddiga kooxda Brighton ee Mac Allister kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laakiin Bent ayaan aaminsanayn in Mac Allister uu leeyahay orod badan maadama uu Klopp xiddigaha kooxdiisa ka doonayo orod badan.
“Ma yahay wixii ay u baahnayd kooxdu?, khalad ha ii fahimin, waan jecelahay Mac Allister waa ciyaaryahan fiican”.
“Laakiin ma ordi karo, Waa maxay dhibaatada Liverpool ee khadka dhexe? xiddigo ordi kara ma haystaan”.
“Khalad ha ii fahmin waa ciyaarahan aan la rumaysan karin oo khadka dhexe ah laakiin marka aad eegto guulihii hore ee Liverpool waxa ay haysteen xiddigaha sida Wijnaldum kaas oo ahaa xiddig orod badan”
Related