Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood u ciyaareen si fiican mid walbana dhinaceeda u doonaysay in ay dhaliso goolal.
Daqiiqadi 16-aad ayay Liverpool heshay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo rikoodhe u badalay gool loo dhigay kooxdiisa.
Liverpool ayaa wixii intaas ka dambeeyay maamulaysay ciyaarta xilli ay West Ham ciyaaraysya weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 42-aad ayay West Ham dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Jarrod Bowen kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican Laakiin West Ham iska caabin kala hor tagtay.
Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka kula wareegaan.
Daqiiqadii 60-aad ayay Liverpool dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Kooxda Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalada ay ku doonayso goolal ay ciyaarta ku disho.
Daqiiqadii 85-aad ayay Liverpool dhalisay goolak ay ciyaarta ku dishay waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Liverpool ayaa sidaas ku gaadhay guushii 5-aad ee horyaalka premier League iyaga oo helay guul qaali ah.
Dhinaca kale kooxda chelsea oo 10 xiddig ah ayaa guuldaro kale kala kulantay kooxda Aston Villa.
Related