Kooxda Liverpool ayaa guul ku bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay kooxda Karlsruher.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Klopp haystay xiddigo aan aad u badnayn gaar ahaan khadka dhexe maadama ay laba xiddig ku dhawyihiin in ay ka tagaan kooxda.
Klopp ayaa xiddigaha uu haystay u kala qaybiyay labadii qaybood ee ciyaarta ciyaarta isaga oo daqiiqado siiyay saxiixyadiisa cusub ee Dominik Szboszlai iyo Mac Allister.
Xiddiga Darwin Nunez ayaa Liverpool u furay goolasha wakhti hore waxana uu daqiiqadii 3-aad dhaliyay goolka furitaanka ciyaarta.
Laakiin kooxda Karlsruher ayaa bar-baraysay daqiiqadii 39-aad ka hor inta ayna ciyaartu ku dhamaan bar-baro 1/1 ah qaybteeda hore.
Qaybta dambe ayay kooxda Karlsruher ka yaabsatay Liverpool waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo ay kaga awood badnaayeen Liverpool daqiiqadihii hore ee qaybta dambe.
Daqiiqadii 50-aad ayay kooxda Karlsruher dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Xiddiga Sebstian Jung o ciyaarta ka dhigay 2/1.
Liverpool ayaa dar-dar galisay dadaalada ay ku doonayso bar-baraha waxana ay sameeyeen fursado cajiib ah.
Daqiiqadii 69-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal kale.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayuu Diogo Jota dhaliyay 2 gool oo deg-deg ah kadib markii uu daqiiqadii 90+2-aad iyo 90+3-aad dhaliyay laba gool oo deg-deg ah.

Related



Source link