Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda LASK kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka Europa League.
Klopp ayaa shax is badal weyn ka muuqdo ku soo galay isaga oo kaydka dhigay xiddigo badan oo muhiim u ah kooxdiisa.
Kooxda LASK ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo halis galinayay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 14-aad ayay LASK ka yaabsatay Liverpool waxana ay ka dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana ka dhaliyay xiddiga Floria Flecker kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/0 ay LASK ku hogaaminayso Liverpool isla markaas Liverpool ku dhibaatootay in ay dhaliso goolal.
Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ugu soo laabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 56-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay kooxdiisa.
Lverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 63-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luiz Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 88-aad u dhaliyay Liverpool goolka 3-aad ee ciyaarta waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guushii ugu horaysay ee Europa League xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link