Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u hayn in ay dib u soo celiso xiisihii ay u qabtay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda PSG.
Iyada oo hal sano ka dhimanyahay heshiiskii kooxda PSG xiddiga reer France ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France.
Kooxda PSG ayaa isku dayi doonta in ay iska iibiso xiddiga Mbape hadii uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda xagaagan
Arintaas ayaa heegan galisay kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Kooxaha Man United, Chelsea, Real Madrid ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer France kaas oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda.
Laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph, Liverpool ayaan wax xiiso ah u qabin in ay dib u soo cusboonaysiiso xiisaha ay u qabtay xiddiga reer France.
Related