Kooxda Al-Hilal ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Luis Diaz iyada oo kooxda ka ciyaarta sucuudigu doonayso in ay xiddiga ku xoojiso kooxdeeda.
Wargayska The Record ayaa sheegaya in ay Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ay xitaa diyaar la tahay dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Athletico, Liverpool ayaa si cad u diiday in uuna xiddiga reer Colombia iib ahayn suuqa xagaagan.
Klopp ayaa xiddiga reer Colombia ku daray qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxdu isku diyaarinayso in ay ku soo laabato champions League.
Sidaas darteed Liverpool ayaa aaminsan in uu xiddigu lama taabtaan ka yahay kooxda isla markaas aanu suuqa oolin xagaagan.
Diaz ayaa 42 kulan u saftay Liverpool 18-kii bilood ee ugu dambeeyay waxana uu u dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 5 kale.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.
Related