Wararka ayaa sheegaya in Liverpool ay haatanba dajisay qorshaha badalka tababare Jurgen Klopp hadii uu ka tago kooxda.
Waxa dib u cusboonaaday wararka Klopp la xidhiidhinaya in uu tababare u noqdo xulka qaranka Germany.
Wararkan ayaa imanaya kadib markii xidhiidhka kubada Germany shaqada ka caydhiyay tababaraha xulka qaranka kadib kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen xulka Japan.
Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka Ingiriiska, isagoo soo xiganaya Wargayska Bild, Liverpool ayaa dooratay bedelka Jurgen Klopp, kaasoo ah ciyaaryahankii hore ee kooxda Xabi Alonso.
Alonso ayaa haatan hogaamiya kooxda Bayer Leverkusen, laakiin wargeyska ayaa sheegaya inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo uu la galay kooxda reer Germany.
Related