Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Newcastle Bruno Guimaraes saacadihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga xagaagan.
Reds ayaa martay dib u dhis dhinaca khadka dhexe ah iyada oo iska dirtay xiddigaha James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita Jordan Henderson iyo waliba Fabinho.
Natiijo ahaan, Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa ku soo daray afar ciyaaryahan oo khadka dhexe ah Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch iyadoo tababaraha Liverpool uu rajeynayo inuu u tartamo hanashada horyaalka Premier League.
Laakiin Klopp ayaa sidoo kale isku dayay in uu la soo saxiixdo xiddiga kooxda Newcastle United ee Guimaraes kaas oo ka mid noqday xiddigaha ugu fiican premier League dhinaca khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee AS, oo sheeganeysa in Liverpool ay dalab 100 milyan ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa.
Si kasta ha ahaatee kooxda Newcastle ayaa si cad u diiday iibka xiddiga iyada oo u aragta xiddiga mid muhiim u ah kooxda.
Related