Kooxda Liverpool ayaa durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda suuqa kala iibsiga inkasta oo uu kaliya saacado ka hor dhamaaday xilli ciyaareedka 2022/2023.
Liverpool oo la filayo in ay si weyn ugu mashquulsanaato suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Jules Kounde.
Reds oo la filayo in ay hal xiddig oo daafac kala soo wareegto suuqa xagaaga ayaa Jules Kounde u aragta xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxda.
Sida laga soo xigtay Mailsport, Liverpool ayaa Barcelona miisa u saartay dalab lacageed oo dhan 50 milyan si ay u hesho daafaca dhexe ee Jules Kounde.
Laakiin isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona dalbanayso lacag intaas ka badan si ay u fasaxdo xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa Jules Kounde u doonaysa badalka Joel Matip kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link