Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka suurtogalka ah ee xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah kaas oo lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga.
Magaca Salah ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqi karo kooxda ka dhisan Sacuudiga ee Ittihad intii uu furnaa suuqii xagaaga laakiin ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuu la sii joogo Reds si uu u sii wato xirfadiisa wanaagsan.
Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda liverpool qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Jarrod Bowen si uu badal ugu noqdo Mohamed Salah.
Shabakada ayaa sheegaysa in ay maamulka Liverpool si weyn ula dhacsanyihiin Bowen ayna la socdeen horumarkiisa Hammers sannadihii lasoo dhaafay.
Bowen waa 26 sano jir wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista booska saxda ah ee garabka weerarka, waxaana qandaraaskiisa West Ham uu dhacayaa June 2025.
Related