Manchester United iyo Liverpool ayaa labadooduba dalabyo ka gudbiyay saxiixa xiddiga Ryan Gravenberch si ay ugu qanciyaan xiddiga reer Holland inuu ka tago Bayern Munich.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa Jarmalka kaga soo biiray Ajax sanadkii 2022, waxaana heshiis la gaaray ka hor inta aan Erik ten Hag loo magacaabin Manchester United.
Hadii Gravenberch uuna ku biirin Bayern Munich, Erik Ten Hag ayaa isku dayi lahaa in uu keeno Old Trafford xagaagiisii ugu horeeyay.
Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku biiray Bayer Munich oo uu ku dhibaatoonayo in uu boos ka helo kooxda 1-aad.
Xiddiga reer Netherlands ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda gaar ahaan Ka hor bilaabashada tartanka Euro 2024 ee xagaaga dambe.
Taas ayaa heegan galisay Ten Hag & Jurgen Klopp kuwaas oo si aad ah u doonaya in ay saxiixyo khadka dhexe ah keenaan kooxda.
Sida laga soo xigtay Mirro, United iyo Liverpool ayaa dalab ka gudbiyay xiddiga Gravenberch si ay ula saxiixdaan xiddiga.

Related



Source link