Kooxda Livrerpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya dadaalada ay ku doonayaan xiddigo khadka dhexe ah iyaga oo dalab Rasmi ah ka gudbiyay xiddig khadka dhexe ah.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Liverpool dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Stuttgart Wataru Endō.
Liverpool ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endō si ay ugu xoojiso khadka dhexe.
Isla Romano ayaa sheegaya in uu xiddiga Wataru Endō doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Wataru Endō ayaa u arka in ay talaabadan tahay midii ugu weynayd ee xirfadiisa ciyaareed waxana uu doonayaa in uu aado kooxda Liverpool suuqa xagaaga.

Related



Source link