Xiddiga Lionel Messi ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka Maraykanka.
Riyadii Barcelona ee Saxiixa Lionel Messi aya si Rasmi ah u soo dhamaatay iyada oo xiddiga reer Argentine ku biiray kooxda Inter Miami.
Kooxda Inter Miami ayaa isku diyaarinaysa in ay si Rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa xiddiga iyada oo saacadaha soo socda ku dhawaaqi karta.
Messi ayaa xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doona horyaalka Maraykanka kadib markii uu iska diiday kooxdiisii hore ee Barcelona iyo kooxda Al-Hilal.
Xiddiga reer Argentine ayaa haatan xirfadiisa ciyaareed ku sii wadan doona horyaalka Maraykanka kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis uu ugu biirayo kooxda.
Related