Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ka hadlay ka tagistiisa kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in uu Messi ka tagayo kooxda marka uu dhoco heshiiskiiisa dhamaadka bishan haatan lagu jiro.
Messi ayaa 2 sano ku qaatay kooxda PSG waxana uu kula guulaystay koobab intii uu joogay kooxda sidoo kale u dhaliyay goolal muhiim ah.
“Waan ku faraxsanahay inaan awooday inaan matalo PSG – runtii aad ayaan ugu riyaaqay ka ciyaarista kooxdan iyo ciyaartoyada fiican:”ayuu u sheegay ESPN.
“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo kooxda waayo-aragnimada cajiibka ah ee Paris”.
Messi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo waliba kooxaha ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Related



Source link