Goolkii uu Lionel Messi ka dhaliyay Strasbourg ayaa ku filnaa Paris Saint-Germain si ay u xaqiijiso horyaalka Ligue 1-ka xilli ciyaareedkan.
Waa horyaalkii labaad ee uu xiddiga reer Argentine ku guulaysto intii uu joogay kooxda PSG waana midkii 2-aad oo xidhiidh ah.
Kadib koobkaas Messi ayaa haatan ku guulaystay 43 koob xirfadiisa ciyaareed waxana uu sii wadaa guulaha koobka.
Hadda waxa uu barbareeyay rikoorka Dani Alves, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta.
Messi ayaa u baahan koob kale si uu u dhaafo Alves laakiin midaas ayaan u suurtagali doonin xilli ciyaareedkan maadama uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka PSG.

Related



Source link