Waxa durba la soo dusiyay maaliyada ama Lambarka uu Christian Pulisic u xidhan doono kooxda Ac Milan ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska xiddiga.
Xiddiga Christian Pulisic ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Ac Milan maanta isaga oo xiddigu haatan ku suganyahay magaalada Milan.
Sawir la soo dhigay Twitter-ka ayaa muujinaysa in ay Ac Milan haatanba daabacday maaliyada uu xiddigu xidhan doono xilli ciyaareedka dambe.
Maaliyada lagu arkay baraha bulshada ayaa ah maaliyada Ac Milan oo uu ku qoranyahay magaca xiddiga Christian Pulisic iyo Lambarka No.11.
Lambarka No.11 ayaa ah Lambar uu baneeyay Halyeeyga Zlatan Ibrahimovic kaas oo ka tagay kooxda Ac Milan markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda.
Lambarka ayaa sidoo kale la macno ah in uu Pulisic door muhiim ah ka ciyaari doono kooxda Ac Milan waana door uu ku dhibaatooday in uu ka ciyaaro kooxda Chelsea.
Sii Akhriso: Khasaare Ka Dashay Dab Qabsaday Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Magaalada Boosaaso.
Related