Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay soo bandhigto saxiixeeda cusub ee xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa tijaabada caafimaadka ku baasay shalay waxana uu sidoo kale saxiixay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Liverpool.
Waxa la is waydiinayay qiimaha ay Liverpool ka bixinayso saxiixa xiddiga reer Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka.
Marka la eego in uu qaab ciyaareed waali ah soo bandhigay labadii sano ee ugu dambeeyay xiddiga Alexis Mac Allister ayaa lagu qiimaynayay lacag ka badan 70 milyan oo euro.
Laakiin Liverpool ayaa xiddiga Alexis Mac Allister ka bixisay kaliya 35 milayn oo euro sida uu xaqiijiyay saxafifa Fabrizio Roman.
Liverpool ayaa haatan si Rasmi ah u bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga oo lagu tilmaamay in ay tahay kaliya 35 milyan oo euro.

Related



Source link