Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa wadahadalo la furay kooxda Al-Hilal si uu ugu biiro kooxda Saudi Pro League, iyadoo PSG ay xiddiga ogolaansho u siisay in uu wadahadalo la qaato kooxda.
Kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa si Rasmi ah suuqa u dhigtay xiddiga 24 jirka ah kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda iyada oo hal sano uga dhiman yahay heshiiskiisa haatan.
PSG ayaa aaminsan in Real Madrid ay heshiis la gaartay Mbappe isla markaas xiddigu doonayo in uu xagaaga dambe xor ugu biiro Los Blancos laakiin kooxda Parc des Princes ayaa isku dayaysa in ay iska iibiso xiddiga halkii ay xor ku waayi lahayd.
Horyaalka sucuudiga oo wacdaro ka dhigaya suuqa ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Al Hilal kuwaas oo diyaar u ah in ay baanka u jabiyaan xiddiga iyaga oo haatanba miiska u saaray dalab 300 milyan ah si ay u helaan saxiixiisa.
Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France ee Mbappe haatanba wadahadalo kula jiro kooxda Al-Hilal si uu heshiiska shaqsiga ah ula gaadho.
Al-Hilal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga miiska u saarto mushahar uu todobaadkii ku qaadanayo 3 milyan oo euro taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan kubada cagta.
Related