Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday ku biiro kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Mustaqbalka Mbappe ee PSG ayuu shaki ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda ka dhisan caasimada France.
Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka cusub waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Ilaa haaatan Mbappe ayaa diidan in uu ka tago kooxda PSG xilli uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid isaga oo xor ah.
Kooxo badan ayaa ilaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddiga waxana ka mid ah kooxda chelsea kuwaas oo doonaysa saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Mbappe ayaa ogolaaday in uu ku biiro Blues xagaagan laakiin waxa uu doonayo kaliya in uu hal sano oo amaah ah ugu biiro chelsea ka hor inta uuna qaab xor ah xagaaga dambe ugu biirin Real Madrid.
Related