Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa afka furtay kadib markii ay PSG aqbashay dalabkii waalida ahaa ee uga yimid kooxda Al-Hilal.
Al-Hilal ayaa dalab 300 milyan ah miiska u saartay PSG si ay u hesho saxiixa Mbappe inta lagu jio suuqa kala iibsiga xagagaan.
PSG ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga reer France halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe marka uu dhoco heshiskiisa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Mushaharka ay Al-Hilal u soo bandhigtay ayaa ah mid aan lagu arkin dhamaan ciyaaraha kala duwan xitaa ciyaaraha caanka ah ee NBA.
Ciyaartoyga ciyaara NBA ee Giannis Antetokounmpo ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir uu raaciyay qoraal ah”Al-Hilal, aniga ma ila saxiixan kartaa, waxan isku egnahay Mbappe”.
Xiddiga Mbappe oo ka jawaabay qoraalkaas ayaa ku jawaabay calaamado emoji ah oo muujinaya qosol.
Sii Akhriso: XASAASI: Hay’adda Caafimaad Oo Joojisay Adeegyadii Caafimaad Ee Ay Ka Wadeen Lasacaanood, Sabab.

Related



Source link