Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uuna wax dan ah ka lahayn in uu hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyo heshiiskiisa PSG kaas oo dhacaya xagaaga 2024-ka.
Weeraryahanka PSG ayaa lagu soo waramayaa inuu saxiixay heshiis seddex sano ah ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedkan laakiin sida laga soo xigtay L’Equipe wuxuu ahaa heshiis labo sano ah oo uu ku jiro hal sano oo dookh ah.
Mbappe ayaa gali doona 12-ka bilood ee ugu dambeeya heshiiskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan, PSG ayaa markale awood u yeelan doonta inay go’aansato inay isku daydo inay qandaraaska u kordhiso ama ay iska iibiso si ay uga fogaato inay bilaash ku waayi doonto xagaaga dambe.
Tani waxay dhacday xagaagii 2021 markii Real Madrid ay dalab weyn oo dhan 154 milyan ka gudbisay xiddiga laakiin kooxda PSG ayaa iska diiday dhamaan dalabyada Real.
Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa laga yaabaa inay si bilaash ah ku hesho xiddiga reer France xagaaga soo aadan iyadoo 24 sanno jirkaan uu doonayo inuu dhamaysto heshiiskisa haatan.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, PSG ayaa ku kalsoonayd in Mbappe uu sii joogi doono ilaa 2025 laakiin arintaas ayaa haatan is badashay.
Mbappe, oo dhaliyay saddexley final-kii koobka adduunka ayaan wax xiiso ah u qabin in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France.

Related



Source link