Xiddiga kooxda Man City ee Kyle Walker ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Bayern Munich iyada oo kooxda reer Germany heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer England.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Kyle Walker ayaa durba khal-khal iyo muran ka abuuray kooxda Bayern Munich inkasta oo uuna wali u saxiixin wax heshiis ah.
Kooxda Bayern Munich ayaa jabinysa xeer u yaala kooxda muddo sanado ah sabab la xidhiidha xiddiga Kyle Walker.
Bayern ayaa xiddiga Kyle Walker u soo bandhigtay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dheeraad ah si ay u helaan saxiixa xiddiga kooxd Man City.
Laakiin Arintan ayaa ka xanaajisay qolka Labiska kooxda Bayern Munich iyo waliba tababaraha kooxda reer Germany kuwaas oo ka xanaaqay heshiiska ay kooxdu u soo bandhigtay Walker.
Xeerka Bayern Munich ayaa ah in ayna wax hal sano ka badan u soo bandhigin xiddiga hadii uu ka weyn yahay 30 sano.
Sii Akhriso: Xukuumada Somaliya Oo Bilaabaysa Wajiga 2-aad Ee Dagaalka Al-Shabaab, Wax Ka Ogow Dagmooyinka Ay Al-Shabaab Haatan Maamusho.

Related



Source link