Xilli ciyaareedka Arsenal ayaa durba dhibaato ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyada oo dhaawac wakhti fog ah ku wayday mid ka mid ah xiddigaha xagaaga ku soo biiray.
Kulankii ugu horeeyay ee premier League Timber ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta waxana la xaqiijiyay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay.
Arintaas ayaa la macno ah in uu xiddigu mari doono qaliin taas oo la macno ah in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 7 ilaa 8 bilood ah.
Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Timber ayaa seegi doona kulamo aad u badan kadib dhaawac soo gaadhay.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ciyaari doonta 19 kulan haatan ilaa dhamaadka sanadka 2023 taas oo la macno ah qaybta hore ee xilli ciyaareedka.
Dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal kuwaas oo doonayay in ay u tartamaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan
Related