Waxa ay saacado inaga xigaan soo saarista jadwalka horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Taageerayaasha premier League ayaa u dhag taagaya jadwalka horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2023/2024.
Ka hor inta aan si buuxda loo soo saarin jadwalka waxa la soo dusiyay kulamada furitaanka horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Inkasta oo aan la xaqiijin karin in ay tahay kuwo xaqiiqo ah hadana baraha bulshada waxa la isla dhexmarayay kulamada furitaanka horyaalka premier League.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa marti u noqonaysa kooxda Burnley ee ku soo laabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Arseal ayaa horyaalka ku bilaabanaysa London Derby iyaga oo la ciyaaraa kooxda Fulham
Liverpool ayaa dhinaceeda la ciyaaraysa kooxda Luton oo u soo dalacday horyaalka premier League halka ay Man United la ciyaari doonto kooxda Brighton.
Chelsea ayaa dhinaceeda la ciyaarasa kooxda Crystal Palace xilli kulanka ugu adag yahay midka dhex maraya Newcastle iyo Tottenham.

Related



Source link