Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu Mbappe u sheegay in uu isaga caraabo kooxda PSG kuna biiro koox dhisaysa mashruuc guul leh.
Mustaqbalka xiddiga reer France ee kooxda PSG ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda ka dhisan caasimada France.
Wargayska Defensa Central ayaa sheegay in uu Messi u sheegay Mbappe in uu ku biiro kooxda Barcelona halkii uu ku biiri lahaa kooxda Real Madrid.
Sidoo kale Messi ayaa xiddiga 24 jirka ah u sheegay in uu u dhaqaaqo koox u tartamaysa koobabka ugu waaweyn kubada cagta yurub.
“Waxaan doorbidayaa inaad aado Barça,” Messi ayaa yiri.
“Laakiin hadii aad doonaysid in aad ku biirtid Real Madrid, waxa u qalanataa mashruuc guulaysanaya”.

Related



Source link