Sam Allardyce ayaa saadaaliyay kooxda uu Declan Rice ku biiri doono isaga oo xiiso ka helaya kooxaha Arsenal, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea.
Inta badan kooxaha ugu waaweyn premier League ayaa xiiso u muujiyay saxiixa Rice iyada oo West Ham xaqiijisay in uu xiddigu ka tagi doono kooxda xagaagan.
Arsenal ayaa la aamisanyahay in ay hogaaminayso artanka waxana haatanba laga diiday 2 dalab oo ay ka gudbisay xiddiga khadka dhexe.
Inkasta oo Arsenal laga diiday laba dalab laakiin labada Manchester iyo chelsea ayaan wali wax dalab ah ka gudbin saxiixa xiddiga laakiin waxa ay doonayaan saxiixiisa.
Mar la waydiiyay kooxda uu Rice ku biiri doono Allardyce ayaa yidhi”Man City”.
Kooxda Man City ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga saacadaha ama maalmaha soo socda si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.
Related