Agaasimaha ciyaaraha ee dalka Talyaaniga Rino Foschi ayaan meesha ka saari doonin in ay Inter la soo wareegi karto xiddiga PSG ee Kylian Mbappe.
Real Madrid ayaa ugu cadcad saxiixa Mbappe kaas oo suuqa la dhigay kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.
Laakiin Foschi ayaa sheegay in wax walba ay dhici karaan marka agaasimaha Inter ee Beppe Marotta ku lug leeyahay arinta.
Waxa uu u sheegay TMW Radio: “Wax kasta ayaa dhici kara hadii uu arinta ku lug leeyahay Marotta, aad ayuu xariif ugu yahay arimahan, sidoo kale si hoose ayuu wax u wadaa”.
“Marotta xaqiiqdii hami ayuu leeyahay waana maamule fiican”.
Isagoo ka hadlaya xaalada Mbappe, Foschi ayaa sidoo kale yidhi: “Tani waa kubbada cagta maanta, waxaa hogaaminaya dad aan ka mid ahayn kubbada cagta iyo sharciyo khaldan.
“Waxaan ula jeedaa wakiillo badan, kuwaas oo ka faa’iideysanaya xeerar gaar ah”.

Related



Source link