Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warmayaa in ay ku dhawdahay in ay Man United ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sofyan Amrabat sida ay sheegayaan wararku.
Klopp ayaa suuqa ugu jira xiddigo khadka dhexe ah xagaagan kadib markii ay kooxdu iibisay xiddigaha Jordan Henderson, Fabinho, Naby Keita & James Milner.
Liverpool ayaa lagu garaacay xiddigaha Moises Caicedo iyo Romeo Lavia oo ku biiray chelsea.
Sida lagasoo xigtay Wargayska AD, Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Amrabat.
Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay dhamaystirto saxiixa Amrabat maalmaha soo socda.
Talaabadan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man United kuwaas oo muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Related



Source link