Manchester United, Arsenal iyo Chelsea ayaa dhamaantood waayi kara weeraryahanka Ajax Mohammed Kudus, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee kubada cagta Fabrizio Romano.
Romano ayaa sheegay in Brighton ay heshiis afka ah la gaartay xiddiga kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda.
Laakiin Ajax ayaa doonaysa in ay ku iibiso xiddiga lacag dhan 40 milyan oo euro, kooxda Brighton ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin kooxda Ajax.
Kudus ayaa bartilmaameed u ah kooxaha ugu waaweyn premier League kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Ghana kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda.
Laakiin Brighon ayaa kooxaha ugu waaweyn premier League ku garaaci karta saxiixa xiddiga hadii ay bixiyaan lacagta ay Ajax dalbanayso.
Kudus ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxaaha Man united, Arsenal iyo chelsea laakiin Brighton ayaa hogaaminaysa saxiixa xiddiga.

Related



Source link