Saacado yar kadib markii laga qaaday masuuliyada kabtanimada Man United, Harry Maguire ayaa helay dalabkii ugu horeeyay ee uu uga baxsan karay Man United.
kooxda West Ham ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Harry Maguire si ay ugu xoojiyaan kooxda.
West Ham ayaa dalab amaah ah miiska saartay laakiin Man United ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda West Ham ee amaahda ah.
Man United ayaa diyaar u ah in ay fasaxdo xiddiga laakiin kaliya waxa ay ku fasaxaysaa qaab toos ah maadama ay doonayso in ay si toos ah u iibiso daafaca.
Dalabka West Ham ayaa imanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in ay chelsea qorshaynayso in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa daafaca dhinaceeda.
Maguire oo ka baxay qorshaha Tababare Erik Ten Hag ayaa loo sheegay in uu isaga tagi karo kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.
Related