Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay Chelsea ka afduubato saxiixa Moises Caicedo.
Xiddiga Brighton ayaa ah xiddigaha loogu doonista badan yahay kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda South Coast dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay laakiin wali wax heshiis ah lagama gaarin.
Hadda, sida laga soo xigtay talkSPORT, Liverpool ayaa doonaysa in ay chelsea ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe hadii ay Jordan Henderson & Fabinho ka tagaan kooxda kuna biiraan Horyaalka sucuudiga.
Caicedo ayaan noqon doonin xiddig jaban iyada oo ay Brighton dalbanayso lacag dhan 100 milyan oo euro taas oo la mid ah mid ay Arsenal ka bixisay Declan Rice.
Sii Akhriso: XASAASI: Masuuliyiin U Dhaw Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Lagu Haystay Musuq-maasuq Oo Jeelka Laga Sii Dayay, Sabab.
Related