Taageerayaasha kubada cagta adduunka, qabashadii koobkii adduunka wakhtigii jiilaalka waxa ay ahayd mid aan caadi ahayn.
Qatar ayaa qabatay koobkii adduunka iyada oo Lionel Messi markii ugu horaysya ku guulaystay koobka adduunka.
Maadama ay ahayd bartamihii xilli ciyaareedka waxa jiray xiddigo badan oo aan aadin koobka adduunka iyada oo xiddigaha Salah, Odegaard iyo Mahrez ay ka mid ahaayeen xiddigaha aan ciyaarin koobka adduunka.
Sidoo kale xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa ka mid ahaa xiddigihii aan aadin koobkii adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, isagoo kaliya u saxiixay Man City bilo ka hor, Haaland ayaa helay dalab lama filaan ah oo uu ka helay kooxda Ashton United.
Kooxda Ashton United ayaa dalab la yaab leh ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Norway si uu kulamo u sii ciyaaro intii uu socday koobkii adduunka.
Ashton United ayaa Haaland u soo bandhigtay lacag dhan 150 kuni todobaadkii iyo waliba Heshiis Lacag ka soo baxda shidaalka.
Sii Akhriso: XASAASI: Tirada Saraakiisha Loo Xidhay Qaraxii Todobaadkii Hore Ka Dhacay Xerrada Jaalle Siyaad Oo Kor U Kacday.
Related