Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxda Liverpool xilli ay Reds suuqa ugu jirto xoojinta khadka dhexe.
Reds ayaa luminaysa Jordan Henderson iyo Fabinho ayaa ku dhaw in uu ku biiro horyaalka sucuudiga taas oo la macno ah in ay Kooxdu u baahantahay xiddigo khadka dhexe ah.
Kooxda Liverpool ayaa ilaa haatan la soo saxiixatay xiddigaha Alexis Mac Allister iyo Dominik Szobozlai kuwaas oo ay ka soo bixiyeen 95 milyan oo euro.
“Waxa jiri doona wax badan oo aan qaban doono”ayuu Klopp yidhi.
“Waxa aan nahay Liverpool, suuqu wali wuu furanyahay, hadii ay 28 saac ka dhimanaan lahayd suuqa dhibaato ayay moqon lahayd”.
“Waan samayn doonaa saxiixyo, xiddigo cusub ayaa iman doona kooxda”ayuu Klopp sii raaciyay.
Sii Akhriso: Maamul Goboleedka Puntland Oo Eed Culus U Soo Jeedisay Madaxweynayaasha Muuse Biixi & Xassan Sheekh.

Related



Source link