Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda ku riixayo in ay Heshiis cusub ka saxiixaan xiddiga khadka dhexe ee Thiago.
32-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Anfield wuxuu dhacayaa bisha June ee soo socota, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyay.
Thiago ayaa Liverpool kaga soo biiray Bayern Munich xagaagii 2020, waxaana uu Reds u matalay 97 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana loo diiwaan geliyay lix caawin.
Xiddiga reer Spain ayaa kaliya 18 kulan u ciyaaray kooxda Premier League xilli ciyaareedkii hore sabab la xidhiidha dhibaato dhaawac.
Xilli ciyaareedkan Thiago ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin isaga oo ka soo kabsanaya dhaawac soo gaadhay bishii April ee la soo dhaafay waxana uu seegi doonaa kulanka Tottenham ee sabtida.
Sida laga soo xigtay 90min, waxaa jira kala qaybsanaan ka jirta Liverpool wmarka la eego heshiis kordhinta xiddiga khadka dhexe
Wararka ayaa sheegaya in uu Klopp maamulka kooxda ku riixayo in ay heshiis cusub u ka saxiixdaan xiddiga khabiirka ah si uu kooxda ugu sii haysto.

Related



Source link