Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markale ku celiyay in mustaqbalkiisu uu yaalo Anfield.
Tababaraha ayaa la waydiiyay hadii uu booska shaqada xulka qaranka Germany uu hunguri galiyay.
Qarankiisa ayaa qarka u saaran inuu tababare cusub u magacaabo Julian Naglesmann, taasoo la micno ah in Klopp uu haysto sabab yar oo uu kaga fikiro inuu ka tago Liverpool.
“Waxaan u maleynayaa in Julian uu yahay xal weyn sababtoo ah waa tababare weyn, aad ayaan ugu farxi lahaa – haddii ay sidaas dhacdo,” Klopp ayaa u sheegay RTL.
“Da’da? Wax macno ah ma leh! Waxa uu hore u caddeeyey 28 jir inuu yahay tababare cajiib ah. Waxa uu leeyahay siddeed sano oo waayo-aragnimo ah. Qaar kale waxay leeyihiin taas 45 ama 50 – heerka ugu sarreeya. Taasi maahan shuruudo. ”
“Waxaan halkaan ku dhisaynaa Liverpool 2.0, waxaan dooneynaa inaan mar kale weerarno, kaliya ma eegin intee in le’eg ayaan ku socon karnaa?” ayuu sii raaciyay.
“Waxaan daacad u ahay Liverpool, qalbigeyga wuxuu joogaa Liverpool, kaliya kama jari kartid sideed sano”
Related