Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu Mohamed Salah u waayo horyaalka sucuudiga xagaaga dambe.
Reds ayaa diiday dalab 150 milyan ah oo ay kooxda Al-Ittihad ka gudbisay saxiixa xiddiga jimcihii maalintii ugu dambaysay suuqii Xagaaga.
Liverpool ayaa sheegtay in uuna Salah ahayn iib xagaaga wax walba oo dhaca iyada oo ku adkaysanaysa in uu xiddigu sii joogi dooo kooxda.
Si kasta ha ahaatee Klopp ayaa lagu soo warmaayaa in uu haatanba ogsoonyahay in uu lumin doono Mohamed Salah.
Klopp ayaa aaminsan in uu Salah ka tagi doono kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda ee sanadka 2024.
Related