Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya in lagu soo celiyo kulankii Tottenham iyo Liverpool kadib khaladkii waalida ahaa ee ay sameeyeen garsoorayaasha ciyaarta.
Waxa Liverpool laga diiday gool sax ah oo uu dhaliyay Luis Diaz kadib markii ay VAR samaysay khalad waali ah.
Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League ayaa soo gudbiyay codkii dhexmaray garsooraha ciyaarta dhexdeeda iyo waliba garsoorayaashii joogay qolka VAR.
Klopp ayaa shir jaraa’id ku sheegay: ‘Codku gabi ahaanba waxba kama beddelin. Ma xiisayneynin sababta ay u dhacday sababtoo ah waan ogaa, waxaan arkay natiijada, waxaan arkay goolkii aan dhalinay ee la diiday”.
“Waxa ay sameeyeen khalad waali ah, taasi iguma filna, looma baahna in la ciqaabo cidna laakiin waa in lagu celiyo ciyaarta hadii ay taaso dhacdo laakin uma malaynayo in ay dhacayso”ayuu sii raaciyay.
Related