Bixitaanka Kieran Tierney ayaa Arsenal ka caawin kara kooxda in ay helaan saxiixa xiddiga Thomas Partey.
Tierney ayaa kooxda Arsenal ka tagay waxana uu ku biiray kooxda Real Sociedad kadib markii uu ka baxay qorshaha Mikel Arteta.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu Tierney Arsenal ka caawin karo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Zubimendi.
Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Martin Zubimendi kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.
Lakiin ku biirista Tierney ee amaahda ah ee uu ugu biiray kooxda Sociedad ayaa Arsenal ka caawin kara saxiixa xiddiga Martin Zubimendi.
Arsenal aaa Zubimendi u arka badalka mustaqbalka ee xiddiga Thomas Partey kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalka kooxda .
Related