Waxa ay u muuqataa in waayihii xiddiga reer England ee Jadon Sancho ee Manchester United ay sii yaraanayaan kadib markii ay isku dhaceen tababaraha kooxda ee Erik Ten Hag.
Tababaraha Iyo xiddiga ayaa is dhaafsaday hadalo kadib markii uu xiddiga reer England seegay kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Arsenal.
Shabakada ESPN Ayaa sheegtay in wixii dhexmaray Sancho iyo tababaraha Man United ay abuurtay cadaawada qolka labiska ah.
Wararka ayaa sheegaya in qolka labiska qeyb ka mid ah ay haatan dhabarka u jeedineyso ciyaaryahanka reer England, iyadoo ciyaartoyda qaar aysan la dhacsaneyn hadalada Sancho iyo ficilada uu ka sameeyay xiddigu.
Related